Dowladda iyo bulshada
Dowladda iyo bulshada
Qaab dhismeedka dastuurka
Sida ku cad dastuurkii 1979, ee wax laga beddelay 1990, madaxweynaha iyo taageerayaashiisa waxay haysteen jagooyinka muhiimka ah ee awoodda, Golaha Shacbigana ma lahayn awood dhab ah. Nidaamka sharcigu wuxuu ku salaysnaa intiisa badan shareecada Islaamka; Garsoor madaxbannaan ma jirin; waxaana marar badan lagu xad-gudbay xuquuqul insaanka. Kaliya hal xisbi siyaasadeed oo sharci ah, Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyo ururo-bulsheedka kala duwan ee hantiwadaagga ayaa jiray. Burburkii dowladdii dhexe ee dalka ka dib 1991-kii, dastuurkii waa la iska indhatiray. Isbahaysi siyaasadeed iyo isbahaysiyo kala duwan oo qabiil ku salaysan ayaa isku dayay in ay dalka oo dhan ka taliyaan. Bishii Maajo 1991-kii mid ka mid ah isbahaysigaas ayaa ku dhawaaqay in la sameeyay Jamhuuriyadda Somaliland ee xorta ah ee waqooyiga, bishii Luulyo 1998-kiina mid kale ayaa ku dhawaaqay in la sameeyay maamul-goboleedka Puntland ee waqooyi-bari. Mid kastaa wuxuu samaystay dawlad u gaar ah, inkasta oo aanay midna beesha caalamku aqoonsanayn.
Dhanka kale, Koonfurta oo kala qaybsantay, oo colaadi ka taagnayd ayaa inteeda badan gacanta ugu jirtay malleeshiyo beeleedyo kala duwan oo dagaal kula jira, inkastoo dhowr jeer la isku dayay in colaadda la joojiyo, lana dhiso dowlad cusub. Dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee u dambaysay waxay ahayd natiijadii Axdigii ku meel gaadhka ahaa ee la soo saaray 2004. Waxa uu dhigayay Baarlamaan ku meel gaadh ah iyo Dawlad ku meel gaadh ah, oo ka kooban Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare iyo Gole wasiirro oo lagu magacaabo Golaha Wasiirrada. Axdiga ayaa la bedelay 2009 si loogu kordhiyo xilliga rasmiga ah ee dawladda ku meel gaarka ah laba sano oo kale iyo mar labaad 2011 si loogu kordhiyo hal sano oo dheeraad ah. Ogosto 20, 2012, oo ku beegan maalintii uu dhacayay maamulka KMG ah, waxaa la dhaariyay aqalka hoose ee baarlamaanka cusub ee federaalka; bishaas oo socota ,ayaa doortay madaxweyne cusub ee dalka.
Caafimaadka iyo daryeelka
Sanado badan oo colaado, abaaro ba’an iyo macaluul ayaa Soomaaliya ka dhigay xaalad adag. Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa ku barakacay dagaallo. Cunto yari daba dheeraatay ayaa keentay in heerar sare oo nafaqo darro ah ay ka jiraan qaybo badan oo dalka ah. Inta badan Soomaaliya waxaa ka maqan biyo iyo fayadhowr ku filan. Daacuunka, jadeecada, qaaxada, iyo duumada ayaa aad u baahsan. Maqnaanshaha kaabayaasha caafimaadka ama daryeelka ee dalka—oo inta badan burburay sanado badan oo colaado ah ka dib—ayaa ka dhigtay hay’adaha gargaarka caalamiga ah in ay la halgamaan bixinta adeegyada muhiimka ah ee ay sida caadiga ah dowladdu bixiso. Dadaalkooda waxaa caqabad ku ah rabshadaha sii socda, inta badan Soomaalida ma helaan daryeel caafimaad oo yar ama ma helaan. Xaalada Jamhuuriyada Somaliland iyo Puntland way ka yara wanagsan tahay dalka intiisa kale balse wali waa ay ka gaabisay. Sababtoo ah heerka guud ee xasiloonida ay ku naaloonayaan labada gobol ee is-maamulka ah, waxay awoodeen inay dib u dhisaan inta badan kaabayaasha daryeelka caafimaadka.
Guriyeynta
halkan waxaa ku yaal laba nooc oo waaweyn oo ah guryaha dhaqameed: Guriga wareega ee Afrika (mundul), oo inta badan laga helo gudaha, iyo daarta leydi-xagalka ah ee Carabtu saamaysay (cariish) oo leh saqaf bir ah oo ka samaysan jiingado, oo ka jira gobollada xeebta iyo waqooyiga Soomaaliya. Saamaynta xooggan ee ka imanaysa Carabta, Faaris, iyo Hindiya ayaa qaabaysay wejiga xarumihii hore ee xeebaha, waxaana Muqdisho ka muuqda qaab-dhismeedka gumaysigii Talyaanigu. Dhismayaasha adag ee dhagax-dhaqameedka iyo lebenka shubka ah ee casriga ah ayaa si cad u kala sooca degsiimooyinka waaweyn ee xeebaha laga soo bilaabo degmooyinka iyo caasimadaha gobollada ee gudaha, halkaas oo ay ku badan yihiin guryaha alwaaxyada ah ee leh saqafyada cawska ama birta ah. Xoolo-dhaqatada weli waxay ku nool yihiin aqallo wareeg ah oo la rari karo oo loo yaqaanno aqal. Xilliga jiilaalka, dhaq-dhaqaaqa sare ee xooluhu waxay keenaysaa in ay si ku meel gaar ah ugu ururaan dooxooyinka webiyada ee koonfurta Soomaaliya iyo agagaarka meelaha muhiimka ah ee biyaha dalka oo dhan.
Waxbarasho:
Kahor dagaaladii sokeeye ee dalka iyo dawlad la’aantii ka dhalatay, nidaamka waxbarasho ee dawladeed waxa uu ahaa mid guulaysta inkasta oo ay jiraan cillado badan. Is-diiwaan gelinta dugsiyada hoose/dhexe iyo sare waa ay bateen, waxaana sidoo kale kor u kacday tirada gabdhaha dhigta dugsiyada-ugu yaraan magaalooyinka. Si kastaba ha ahaatee, dhismayaal la’aan, alaab guri, qalab, agab waxbarasho, iyo macalimiin, oo ay weheliso rabitaan la’aanta joogtada ah ee dadka reer miyiga ah ee u oggolaaday inay carruurtu dhigtaan dugsiga halkii ay ka shaqayn lahaayeen, ayaa dhammaantood ka hortagay horumar degdeg ah oo ku yimi waxbarashada miyiga. Ka dib markii dawladdii la riday 1991-kii, waxaa burburay nidaamkii waxbarasho ee dawladdii Soomaaliya. Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxay ku guulaysteen inay shaqeeyaan ilaa wakhtigaas, si la mid ah dugsiyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Puntland. Dugsiyada Islaamiga ah qaarkood waa shaqeeyaan, laakiin dhaqan ahaan dugsiyadan Qur'aanka ayaa mas'uul ka ah waxbarashada diinta ee carruurta sida uu qabo shareecada Islaamka mana bixiyaan waxbarasho maadi ah. Machadkii ugu weynaa ee tacliinta sare waxa ay ahayd Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (1969) ee Muqdisho, laakiin xaruntii waa la burburiyay dagaalladii sokeeye. Jaamacadda Muqdisho ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa la aas aasay sanadkii 1997-dii, sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ku yaalla dugsiyo sare oo dhanka beeraha ah, xarun lagu barto farsamada gacanta, xarun lagu barto macallimiinta, kulliyadda beeraha iyo kuliyadda farsamada ee magaalada Burao. Inta badan hay'adahan ayaa awoodi waayay inay si joogto ah u sii wadaan hawlgallada dagaalka awgeed. Jaamacadda Camuud (1997) ee Boorama iyo Jaamacadda Hargeysa (2000) waa jaamacado gaar loo leeyahay oo ku yaalla Jamhuuriyadda Somaliland. Qiyaastii shan meelood meel Soomaalida da'doodu tahay 15 sano iyo wixii ka weyn ayaa ah kuwo wax akhriya
xigasho :https://www.britannica.com/place/Somalia/Transportation
waxa qoray Mohammud jimale
kala soco soyaalka somaliya
Comments
Post a Comment