Caafimaadka iyo daryeelka bulshadda
Caafimaadka iyo daryeelka bulshadda
Sanado badan oo colaado, abaaro ba’an iyo macaluul ayaa Soomaaliya ka dhigay xaalad adag. Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa ku barakacay dagaallo, Cunto yari daba dheeraatay ayaa keentay in heerar sare oo nafaqo darro ah ay ka jiraan qaybo badan oo dalka ah. Inta badan Soomaaliya waxaa ka maqan biyo iyo fayadhowr ku filan. Daacuunka, jadeecada, qaaxada, iyo duumada ayaa aad u baahsan. Maqnaanshaha kaabayaasha caafimaadka ama daryeelka ee dalka—oo inta badan burburay sanado badan oo colaado ah ka dib—ayaa ka dhigtay hay’adaha gargaarka caalamiga ah inay la halgamaan bixinta adeegyada muhiimka ah ee ay sida caadiga ah dowladdu bixiso. Dadaalkooda waxaa caqabad ku ah rabshadaha sii socda, inta badan Soomaalida ma helaan daryeel caafimaad oo yar ama maba helaan mid ku filan.
Guriyeynta
Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo gurya dhaqameed ah: Gurigyaha wareega ee Afrika (mundul), oo inta badan laga helo gudaha, iyo guriga Carabtu saameeyaan (cariish) oo leh saqaf bir ah oo ka samaysan jiingado, kaa oo ku baahsan gobollada xeebta iyo waqooyiga Soomaaliya. Saamaynta xooggan ee Carabta, Faaris, iyo Hindiya waxay qaabaysay wejiga xarumihii hore ee xeebaha, waxaana Muqdisho ka muuqda qaab-dhismeedka gumaystihiii Talyaaniga. Dhismayaasha adag ee dhagax-dhagaxda dhaqameedka ah iyo shubka ah ee casriga ah ayaa si cad u kala sooca degsiimooyinka waaweyn ee xeebaha laga soo bilaabo degmooyinka iyo caasimadaha gobollada gudaha, halkaas oo ay ku badan yihiin guryaha alwaaxyada ah ee leh saqafyada cawska ama birta ah. Xoolo-dhaqatada weli waxay ku nool yihiin aqallo wareeg ah oo la rari karo oo loo yaqaanno aqal. Xilliga jiilaalka, xoola dhaqatada waxay ay si ku meel gaar ah isugu soo ururaan dooxooyinka, webiyada ee koonfurta Soomaaliya iyo agagaarka goobaha biyaha muhiimka ah ee dalka.
Mahadsanidiin
waxaa qoray Mohammud jimaale
xigasho :https://www.britannica.com/place/Somalia/Economy

Comments
Post a Comment