Gaadiidka iyo Soomaaliya

 

 
 
 
Gaadiidka iyo  Soomaaliya
 

Gaadiidka oo aan ku filneyn ayaa caqabad weyn ku ah horumarka dhaqaalaha Soomaaliya. Ma jiraan waddooyin tareen. Kaliya ilaa 1,800 mayl (2,900 km) oo ah waddooyin laami ah ayaa la mari karaa sanadka oo dhan, xilliyada roobaadkana badi deegaanada miyiga ma geli karaan  Basaska, baabuurta xamuulka, iyo basaska yaryar ayaa ah gaadiidka ugu muhiimsan ee dadweynaha. Miyiga geela, lo'da, iyo dameeraha ayaa ilaa hadda loo isticmaalaa gaadiidka gaarka ah iyo sida rarida xoolaha. 

 

 

 

Dowladda iyo bulshada
Qaab dhismeedka dastuurka
 
 

Sida ku cad dastuurkii 1979, ee wax laga beddelay 1990, madaxweynaha iyo taageerayaashiisa waxay haysteen jagooyinka muhiimka ah ee awoodda, Golaha Shacabka ma lahayn awood dhab ah. Nidaamka sharcigu waxa uu ku salaysnaa shareecada Islaamka; Garsoor madaxbannaan ma jirin; waxaana marar badan lagu xadgudbay xuquuqda aadanaha. Kaliya hal xisbi siyaasadeed oo sharci ah ayaa ka jiray somalia waan  Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, ururo-bulsheedka kala duwan ee hantiwadaagga ayaa iyaguna jira xiligi dawaladii uu madaxda ka aha Maxamed siyaad barre . 

 

Dhanka kale, Koonfurta oo ku kala qaybsantay colaadi ka jirtay ayaa inta badan gacanta ugu jirta malleeshiyo beeleedyo kala duwan oo dagaal kula jira, inkastoo dhowr jeer la isku dayay in colaadda la joojiyo, lana dhiso dowlad cusub. Dawladdii ku meel gaarka ahayd ee u dambaysay waxay ahayd dawaladii  ku meel gaadhka ahaa ee la soo dhisay 2004. Waxaa uu dhigayay Baarlamaanka ku meel gaar ah iyo dawlad ku meel gaar ah, oo ka koobnayd Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare iyo Gole wasiiro oo lagu magacaabo Golaha Wasiirrada. dawaldii ku meel gaarka ahayd ayaa la bedelay 2009 si loogu kordhiyo xilliga rasmiga ah ee dawladda ku meel gaarka ah laba sano oo kale ayaa loo kordhiyay ,mar labaad 2011 kii ayaa markale   loo kordhiyay hal sano oo dheeraad ah. Ogosto 20, 2012, oo ku beegan maalintii uu dhacayay maamulka KMG ah, waxaa la dhaariyay aqalka hoose ee baarlamaanka cusub ee federaalka, bishii ku xigatay , guddigaas ayaa doortay madaxweyne cusub ee dalka waxana madaxwayne ka noqday Xassan shiikh maxamud.

 

 

 

La soco qaybaha dambe :


Waxa qoray Mohammud jimale


xigasho :/www.britannica.com/place/Somalia/Economy

 

 


 
 

Comments

Popular posts from this blog

Cimiladda, Dirta ,xayawaanadda,dadka ,afka & diinta ee soomaaliya

Taariikhada dhulka soomaaliya

Dhaqaalaha Soomaaliya iyo wax soosaarka dhulka

DEEGAANADA SOOMAALIYA

Dadka ku reeb raad fiican oo lagugu soo xusuusto!